Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaaradsan Hoggaanka dowladda Federaalka ay kasoo saareen eedeyn kulul.
Warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiyada kala ah Daljir, Kulan Horusocod iyo
Wadajir ayay eedeyn kulul ugu jeediyeen Taliska Sirdoonka dowladda Federaalka
iyo hoggaanka Villa Somalia.
Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ayaa warsaxaafadeedkoodu ku sheegay in
Maleeshiyaadka NISA lagu magacaabo ay noqdeen ciidan si gaar ah ugu adeega
Hoggaanka dowladda islamarkaana geysanaya falal dambiyeedyo ka dhan ah
shacabka.
Ciidamada Sirdoonka DF-ka ayay lameel dhigeen Ciidamadii Koofiya Casta ee Max’med
Siyaad Barre uu ku weerari jiray dadka dowladdiisa mucaaradsan oo xilligaas la
oran jiray Kacaan-diid.

Khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiin iyo xildhibaanno horay xilal ugasoo qabtay
DF-ka oo dhinac ah iyo Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo oo dhinac ah ayaa saameyn
dhan walba ah ku reebay hab dhismeedka maamulka Villa Somalia.
Xiisadaha siyaasadeed waxay sii xumaadeen kadib markii bishii lasoo dhaafay ay
maleeshiyaadka Nabad sugidda weerar lix qof lagu dilay ku qaadeen guriga
siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur kadibna waxaa xigay weerar kale oo lagu
qaaday guriga Cabdi Qeybdiid.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Sirdoonka Dowladda Farmaajo ku tilmaamay in Ay Udhaqmayaan Sida Koofiya Castii Jeneraal Siyaad Barre [Warsaxaafadeed].
Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaaradsan Hoggaanka dowladda Federaalka ay kasoo saareen eedeyn kulul.