Ciidamada Al Shabaab iyo Kuwa Dowladda Oo Markale Ku Dagaallamay Duleedka Balcad.

Saturday January 06, 2018 - 20:46:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab iyo Kuwa Dowladda Oo Markale Ku Dagaallamay Duleedka Balcad.

    Wararka ka imaanaya deeganano gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmareen ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deeganano gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmareen ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka DF-ka.

Dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in maanta gelinkii dambe uu labada dhinac ku dhaxmaray deegaanka Gololeey oo qiyaastii 7KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada melleteriga dowladda Federaalka oo kasoo amba baxay Jowhar kunasii jeeday dhanka Muqdisho.


Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka degmada Balcad, ma ahan markii ugu horraysay oo weerar nuucaan oo kale ah uu ka dhaco Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items