Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaadday Saldhigga Ciidanka 'Puntland' Ee Deegaanka Galgala.

Sunday January 07, 2018 - 09:25:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaadday Saldhigga Ciidanka 'Puntland' Ee Deegaanka Galgala.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada maamulka 'Puntland' uu ku leeyahay gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan daraawiishta Puntland
Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada maamulka 'Puntland' uu ku leeyahay gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Galgala.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 madfac lala helay saldhigga ciidamada Daraawiishta ee kuyaalla Afaafka hore ee deegaanka Galgala.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen Jugta madaafiic xooggan oo lala eeganayay saldhigyo melleteriga, war lagasii daayay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa lagu sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay sababtay madaafiicda.


Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso gobolka Bari tan iyo billoowga sanadda 2018, maalmihii khamiista iyo jimcihii waxaa Boosaaso ka dhacay dilal ka dhan ah saraakiisha maamulka ‘Puntland’.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items