Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmooyinka Afgooye iyo Buula Mareer.

Sunday January 07, 2018 - 19:13:03 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmooyinka Afgooye iyo Buula Mareer.

    Weeraro khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula Mareer ayaa sheegaya in weerar maanta barqadii ka dhacay deegaankaas lagu dilay 2 askari oo katirsanaa ciidanka Melleteriga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag katirsan Al Shabaab ay gudaha usoo galeen deegaanka waxayna toogteen ciidamada oo xilligaas lugaynayay, ragga weerarka fuliyay ayaa horay usii qaatay 2 qori AK47 ah oo ay wateen askarta ladilay.

Dhinaca kale qarax ka dhacay koontaroolka degmada Afgooye ayaa sababay dhimashada sedax askari sida ay sheegeen dadka deegaanka, isku geynta tirada ciidamada lagu dilay weeraradii maanta sh/hoose ka dhacay ayaa gaartay 5 askari.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items