Farmaajo Oo Ka Hadlay Booqashada Uu Ku Joogo Magaalada Garoowe.

Monday January 08, 2018 - 07:59:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Ka Hadlay Booqashada Uu Ku Joogo Magaalada Garoowe.

    Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa magaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa magaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Socdaalka Farmaajo oo lagu sheegay in uu yahay mid indha indheyn ah ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu ku tago deegaannada uu ka arrimiyo maamulka ‘Puntland’ isku magacaabay tan iyo markii 11 bilood ka hor loo doortay hoggaaminta dowladda Federaalka.

Farmaajo oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada magaalada Garowe ayaa sheegay in uu wax ka ogaan doono qaabka uu u shaqeeyo maamulka ‘Puntland’ iyo gacan ka geysashada sugidda amniga sida uu hadalka u dhigay.


Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in uu ka qeyb galo munaasabad lagu furayo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, socdaalkan ayaa imaanaya xilli khilaaf dhanka siyaasadda iyo maamulka ah uu ka dhaxeeyo maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items