Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Maleeshiyaadka Alpha Group Lagula Beegsaday Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Monday January 08, 2018 - 08:07:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Maleeshiyaadka Alpha Group Lagula Beegsaday Deegaanka Ceelasha Biyaha.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay fiidkii duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay fiidkii duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay maleeshiyaadka dowladda Mareykanku tababartay ee loo yaqaan Alpha Group, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan laba gaari oo nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan ay ku burburiyeen qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan deegaannada dhaca duleedyada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ku dhawaad 6 askari ay ku dhinteen qaraxa, goobta weerarku ka dhacay oo ah wadada laamiga ayaa xirneed xalay fiidkii illaa iyo saaka aroortii hore.


Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegatay Xarakada Al Shabaab, maleeshiyaadka Alpha Group ayaa ah calooshood u shaqeystayaal loo carbiyay dhibaateynta shacabka muslimiinta ah waana Maleeshiyo xilliyada saqda dhexe guryaha ugu dhaca dadka ku eedeysan in ay diintooda ku dhegganyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items