Al Shabaab Oo Weerar Ku Burburisay Dhismaha Shirkadda Safaaricom Kenya Ee Deegaanka Katulo.

Monday January 08, 2018 - 08:21:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Ku Burburisay Dhismaha Shirkadda Safaaricom Kenya Ee Deegaanka Katulo.

    Weerarada ay fulinayaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa si xowlli ah uga socda gudaha wadanka Kenya gaar ahaan gobolka gumeysiga kujira ee waqooyi Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarada ay fulinayaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa si xowlli ah uga socda gudaha wadanka Kenya gaar ahaan gobolka gumeysiga kujira ee waqooyi Bari.

Al Shabaab ayaa billaawga sanaddan 2018 waxay sedax jibaartay weerarada ay ka fulinayso Kenya taas oo caqabad hor leh ku noqday laammaha ammaanka dowladda Kenya.

Weerar hor leh ayaa lagasoo calaamadeeyay deegaan katirsan gobolka Wajeer oo maalmihii lasoo dhaafay si gaar ah bartilmaameed ugu ahaa ciidamada Al Shabaab waxaana deegaankaas lagu dilay tobaneeyo katirsan ciidamada Booliska Kenya.

Xoogaga Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay beegsadeen xarun isgaarsiineed oo dowladda Kenya laheyd taas oo kutaal deegaanka Katulo sida ay sheegeen mas'uuliyiin iyo dad goob joogayaal ah.


Saraakiil u hadlay  Booliska Kenya ayaa sheegay in Rag ay rumeysanyihiin in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari ayna burburiyeen matoorro dab dhaliyayaal ah iyo hanti kale oo dowladda Kenya laheyd.


Taliyaha Booliska Wajeer Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in xoogag aad u hubeysan ay Garneyllo ku dhifteen dhismaha Laanta Sharikadda  isgaarsiinta Safaricom ee Magaalada Katulo waxaana burburtay  anteenadii sahleysay wada xiriirka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

"Alshabaab waxay burburiyeen xaruntii shirkadda Safaricom ee Katulo balse majiraan wax dhibaata ah oo ciidanka Booliska kasoo gaartay weerarka oo runtii dhulka dhigay anteenada shirkadda" ayuu yiri taliyaha Booliska Wajeer.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkani uu dhacay maalintii Axadda ee shalay, waxaa jarmay war isgaarsiintii u dhaxaysay ciidamada Kenya ee Katulo iyo magaalada Ceelwaaq ee xuduud beenaadka dhacda, dowladda Kenya waxay sheegaysaa in weerarada lagu qaadayo xarumaha isgaarsiinta ay noqdeen kuwa saameyn ballaaran yeesha iyadoo Alshabaab ku eedeysay in ay dagaalka dhan kale urogtay.

Stephen Ngetich, oo ah taliyaha Booliska gobolka Wajeer ayaa carrabaabay in weerarada soo noq noqday ee Al Shabaab ka geysanayso gudaha Kenya ay caqabad weyn ku yihiin amniga iyo ganacsiga gobolka Waqooyi Bari.

Dhinaca kale war kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerarka Katulo ee lagu burburiyay xarunta shirkadda Safaricom sida ay faafisay Idaacadda Andalus.

Alshabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraro silsilada ah oo 10 maalmood wax ka yar ka dhacay gobolka Waqooyi Bari waxaana kamid ahaa weeraro lagu dilay 6 askari iyo mid kale oo 30 askari dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items