Dagaallo U dhaxeeya Ciidamada 'Somaliland' iyo 'Puntland' Oo Ka Socda Deegaanka Tukaraq.

Monday January 08, 2018 - 10:17:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo U dhaxeeya Ciidamada 'Somaliland' iyo 'Puntland' Oo Ka Socda Deegaanka Tukaraq.

    Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in uu dagaal culusi ka dhex qarxay maamulada Puntland iyo Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay xurguf dhanka dhulka ahi ka dhaxaysay warbaahintana isku marinayay hadallo xanaf leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in uu dagaal culusi ka dhex qarxay maamulada Puntland iyo Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay xurguf dhanka dhulka ahi ka dhaxaysay warbaahintana isku marinayay hadallo xanaf leh.


Dagaalka oo ay ka qeyb qaadanayaan gaadiidka Tiknikada loo yaqaano iyo malleyshiyo badan oo labada dhinac ah ayaa waxa uu ka socdaa degaanka Takaraq lagu magacaabo ee gobolka Sool.

Wuxuu kusoo aadayaa iyadoo uu Farmaajo booqday Puntland, siyaasiyiin Hargeysa ku suganna ay ku eedeynayeen inuu u yimid sidii uu colaad uga dhex hurin lahaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalada iyo dhibaatooyinkan ayaa qeyb ka ah miraha qaraar laga guranayo Federalisimka iyo Dimuqraadiyadda oo ah kuwa kala dhantaalaya midnimada ummada baddalkeedana u sameynaya xuduudo lagu dagaalamo.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items