Dowladda Sudan Oo Beenisay in Xiisada Colaadeed Kala Dhaxeeyaan Ereteria.

Monday January 08, 2018 - 16:39:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sudan Oo Beenisay in Xiisada Colaadeed Kala Dhaxeeyaan Ereteria.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu beeniyay in wax khilaafaad ah uusan kala dhaxayn dowladda dariskeed ah ee Ereteria oo dhacda Bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu beeniyay in wax khilaafaad ah uusan kala dhaxayn dowladda dariskeed ah ee Ereteria oo dhacda Bariga qaaradda Afrika.


Xukuumadda kharduum waxay sheegaysaa in wararka ay faafisay warbaahinta uu yahay mid been ah kaas oo sheegayay in ciidamo dheeri ah ay ku faafisay gobolka xuduudda dhaca ee Kasala.

Aadam Jaamla oo ah guddoomiayah gobolka Kasala ee dhaca koonfur Bari Suudaan kaabigana ku haya xuduud beenaadka Ereteria ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu halkaas ka wadaan olole ballaaran oo hubka looga dhigayo qabiillada balse aysan jirin wax xiisada colaadeed ah wuxuuna diiday wararka kasoo burqanayay warbaahinta ee ahaa in xiisada colaadeed jiraan.



"howlgallada ka socda Kalsala ee koonfur Bari wadanka iyo Koordufaan ee galbeedka waa kuwo ujeedku yahay in hubka looga dhigo kooxaha Bani'aadamka ka ganacsada iyo Badeecooyinka iyo daroogada sharci darrada ah ee amniga wax udhimaysa ee ma ahan xiisada colaadeed arrintaas suudaan waxay doonaysaa in ay caddeyso majirto colaad nagala dhaxaysa dowladaha dariska" ayuu yiri Aadam jaamla oo ah xaakimka Kasla.

Maalmihii jimcaha iyo khamiista waxaa soo baxayay warar ah in Suudaan kumanaan askari ay udaad gureysay dhanka xuduudda ay lawadaagto Ereteria.

Related Items