Dhimashada Ka Dhalatay Qaraxii Ceelasha Biyaha Oo 8 Askari Gaartay.

Monday January 08, 2018 - 20:44:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Ka Dhalatay Qaraxii Ceelasha Biyaha Oo 8 Askari Gaartay.

    Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qarax xooggan oo xalay ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qarax xooggan oo xalay ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa burburiyay gaari Tiknika ah oo ay la socdeen ciidamada loo yaqaan Alpha Group.

Khasaaraha dhimasho ayaa la sheegay in uu gaaray 8 Askari sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, 4 askari waxay ku dhimatay qaraxa halka 4 kale ay ku dhinteen rasaas ay ciidamo qeyb ka ahaa kolonyada ku fureen wadada hareeraheeda.

War kasoo baxay taliska melleteriga dowladda Federaalka ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada Afarta askari ee qaraxa balse waxay qariyeen ciidamada toogashada lagu dilay.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii xalay ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Siinka dheere oo dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items