Sawirro: Safiirka Itoobiya Oo Farmaajo Kusoo Dhaweeyay Magaalada Garoowe.

Monday January 08, 2018 - 20:59:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Safiirka Itoobiya Oo Farmaajo Kusoo Dhaweeyay Magaalada Garoowe.

    Socdaalka uu Farmaajo ku tagay magaalada Garowe waxay dowladda Itoobiya si cad ugu muujisay in iyadu ka taliso Puntland halka C/wali Gaasna uu muujiyay in isaga iyo Farmaajo ay laba madaxweyne kala yihiin Puntland iyo Soomaaliya inteeda kalana ay lab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaalka uu Farmaajo ku tagay magaalada Garowe waxay dowladda Itoobiya si cad ugu muujisay in iyadu ka taliso Puntland halka C/wali Gaasna uu muujiyay in isaga iyo Farmaajo ay laba madaxweyne kala yihiin Puntland iyo Soomaaliya inteeda kalana ay laba dowladood kala yihiin.



Sida aad ka dheehan kartaan sawirka kowaad waxa uu muujinayaa  Qunsulka Itoobiya u fadhiya Garowe oo Farmaajo kusoo dhaweynaya dalkiisii, safiirku waa ninka calaamadda guduudan dhexda laga galiyay. Runtii waa ayaan darro aanan abid Soomaaliya soo marin.

Sidoo kale C/wali Gaas ayaa waxa uu isna dhankiisa si cad u muujiyay in Farmaajo iyo isagu aaney isku calan ahayan balse ay laba dowladood kala yihiin.

Sida aad ka dheehan kartaan sawirka hoose wuxuu Farmaajo u qaabilay sida madaxweyne dal ajnabi ah ka yimid oo kale isagoo ag dhigay gadaashiisana ku sawiray calanka Soomaaliya, halka dhankiisa uu dhigtay calanka Puntland.



Dalka Soomaaliya waa wadan faraha kasii baxaya haddii aanan la badbaadin, wuxuu dalku maanta marayaa inuu ku dhawaad 10 madaxweyne yeesho kuwaasoo ay dhammaantood u talineyso Itoobiya iskuna direyso.




Related Items