Qarax gaari dagaal lagu gubay oo ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

Tuesday January 09, 2018 - 07:40:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax gaari dagaal lagu gubay oo ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ay ayaa ka dhashay qarax xooggan oo ciidamo katirsan DF-ka goordhow lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ay ayaa ka dhashay qarax xooggan oo ciidamo katirsan DF-ka goordhow lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan Melleteriga DF-ka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa ay dhimashada iyo dhaawac ay ku noqdeen 5 askari halka burbur xooggan uu gaaray gaari Tikinika ah xilli uu marayay agagaarka Warshadda Tarraqa iyo Sigaarka ee wadada Warshadaha.

Habeen Hore ayay aheyd markii qarax 8 askari lagu dilay uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaana mas'uuliyadda qaraxa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items