Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay in Al Shabaab ay Kusii Xoogaysatay Deegaannada Puntland.

Tuesday January 09, 2018 - 11:55:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay in Al Shabaab ay Kusii Xoogaysatay Deegaannada Puntland.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay awoodda sii koraysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku yeelanayso gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay awoodda sii koraysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku yeelanayso gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

Farmaajo oo magaalada Garoowe kulan kula yeelanayay Odayaal dhaqameeyo iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka ‘Puntland’ ayaa sheegay in dardarta Al Shabaab ee deegaannada ‘Puntland’ uu yahay mid halis ku ah wax uu ugu yeeray Amniga qaranka Soomaaliya.

‘’Al-shabaab in lala dagaalamo isku mowqif ayaan ka nahay haddii ay joogaan Koonfurta Soomaaliya iyo haddii ay joogaan Puntland intaba, sidaa daraadeed waa in aan amniga ka wada shaqeyno , alshabaab culeysyada Koonfurta kasoo fuulay ayay dhanka Puntland usoo wareejisay si ay halis ugeliso nidaamka dowladeed”ayuu yiri Farmaajo.


Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa carabaabay in tira ahaan dagaalyahannada Al Shabaab ee ku sugan deegaannada Goolis ay kordheen arrinkaas oo uu ku tilmaamay khatar hor leh.

Warka kasoo yeeray madaxweynaha Dowladad Federaalka ayaa imaanaya xilli billaawga sanadkan ay Al Shabaab weeraro dhiig badan ku taaday ay ka fulisay magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso, Galgala iyo Gaalkacyo waxayna dishay askar iyo saraakiil katirsan maamulka ‘Puntland’ isku magacaabay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items