Dagaallo Culus Oo Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Al Shabaab Ku Dhaxmaray Duleedka Beled Weyne.

Tuesday January 09, 2018 - 13:09:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus Oo Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Al Shabaab Ku Dhaxmaray Duleedka Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo melleteriga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo melleteriga Itoobiya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaal ee dhaca duleedka magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah uu qabsaday kolonyo katirsan ciidamada Itoobiya oo wadada ku socdaalayay.

dagaalka ayaa bilaawday kadib markii xoogaga Al Shabaab oo aad u hubeysan ay wadada ugaleen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka deegaanka Feerfeer ee xuduud beenaadka ku teedsan kunasii Jeeday Saldhigga Melleteri ee ay kuleeyihiin Beled Weyne.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, warar hodhac ah waxay sheegayaan in gaadiid dagaal laga gubay ciidamada Itoobiya ee weerarka jidgalka ah loo dhigay.


Melleteriga Itoobiya ee weerarka xooggan la kulmay ayaa la sheegay in ay ku hakadeen halkii dagaalku ku qabsaday oo ku dhow Tuulada Ceelgaal oo qiyaastii 20KM ujirta magaalada Beled Weyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items