5 Askari Oo Ku Dhintay iska Hor'imaad Ciidamo Kawada tirsan DF-ka Ku Dhaxmaray Degmada Mahadaay.

Tuesday January 09, 2018 - 13:07:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Askari Oo Ku Dhintay iska Hor'imaad Ciidamo Kawada tirsan DF-ka Ku Dhaxmaray Degmada Mahadaay.

    Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaal xooggan ayaa maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaal xooggan ayaa maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalka oo muddo saacad ku dhow ka socday mid kamida xaafadaha degmada Mahadaay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 5 askari iyo dhaawac soo gaaray 7 kale.

Khilaafka maleeshiyaadka u dhaxeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo jiitamayay wuxuuna salka ku hayaa lacagaha laga qaado gaadiidka dadweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadku ay qaab beeleed isku khilaafeen, guddoomiyaha degmada Mahadaay iyo taliyaha booliska saldhigga degmada ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dagaalkii maanta.


Tobaneeyo qoys ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda oo ku dhow goobaha ay isku hor fadhiyaan labada dhinac , inta badan ciidamada DF-ka ayaa dhaxdooda dagaallama waxayna isku geystaan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items