Gaari Gaashaamman Oo Ciidanka Kenya Looga Gubay Duleedka Degmada Ceelwaaq.

Tuesday January 09, 2018 - 13:07:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaamman Oo Ciidanka Kenya Looga Gubay Duleedka Degmada Ceelwaaq.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamo Kenyaan ah kasoo gaaray weerar hor leh oo ku qabsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamo Kenyaan ah kasoo gaaray weerar hor leh oo ku qabsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay maanta barqadii melleteriga Kenya lagula beegsaday wadada xiriirisa degmada Ceelwaaq iyo Deegaanka Buusaar.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in mid kamida qaraxyada uu haleelay gaari Beebe ah oo ay wateen ciidanka Kenya, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidanka KDF uu kasoo gaaray qaraxa.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxa sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items