Weerar Hal Askari Ku Dhintay Oo Ka Dhacay Magaalada Beled Weyne.

Tuesday January 09, 2018 - 07:41:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hal Askari Ku Dhintay Oo Ka Dhacay Magaalada Beled Weyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday bar koontarool oo kutaal magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday bar koontarool oo kutaal magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay fiidkii weerar Bambaano ku qaadeen goob isku imaatin ah oo ay ciidamo ku sugnaayeen.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Hal askari ku dhintay weerarka halka 6 kale ay ku dhaawacmeen, xoogagii weerarka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Waa qaraxii 2-aad oo xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Beled Weyne waxaana muuqata in weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadla DF-ka ay kusii kordhayaan dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items