Cabdi Wali Gaas Oo Ku Hanjabay in Duulaan Rogaal Celis Ah Ay Ku Qaadayaan Maamulka 'Somaliland',

Wednesday January 10, 2018 - 12:16:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Wali Gaas Oo Ku Hanjabay in Duulaan Rogaal Celis Ah Ay Ku Qaadayaan Maamulka 'Somaliland',

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ka aargudan doono maamulka kale ee Somaliland isku magacaabo kaasi oo dagaallo oo dhawaan duullaan ballaaran ku qabsaday deegaanno Sool katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ka aargudan doono maamulka kale ee Somaliland isku magacaabo kaasi oo dagaallo oo dhawaan duullaan ballaaran ku qabsaday deegaanno Sool katirsan.

Cabdi Wali Gaas oo ah hoggaamiyaha 'Puntland' ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay u diyaar garoobeen dib uqabsashada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo laba maalin kala hor laga qabsaday.

Gaas ayaa ku cataaway   in Maamulka Somaliland ay weerarkaasi ku soo beegeen xili Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Farmaajo  ay ku sugan yihiin Magaalada Garowe, taasi uu ku tilmaamay in carqalad ku tahay geeddi socodka nabadda.

"Sidaa la socotaan Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab, weerarkii Maamulka Hargeysa waxa uu gaashaan u yahay argagixisada…” ayuu yiri Cabdi Wali Gaas.



Hoggaamiyaha Maamulka 'Puntland'  ayaa shacabka ku nool deegaannada 'Puntland' ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland wuxuuna sheegay in ciidamadoodu ay duullaan rogaal celis ah ku qaadi doonaan deeganano Sool katirsan oo maalmo ka hor laga qabsaday.

Dhinaca kale maamulka Gobolka Nugaal ayaa soo saaray amar ka dhan ah gaadiidleyda ka shaqeysa Garow illaa iyo Laascanood, Faraweyne oo ah guddoomiyaha Nugaal ayaa mamnuucay in wax gaadiid ah soo galaan gobolka ayna ka baxaan.

Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee gobollada waqooyi Bari iyo waqooyi Galbeed Soomaaliya waxaana muuqata in maamulladan dabadhilifyada ah ay kala qoqobayaan shacabka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items