Gaadiid ay leeyihiin Mas'uuliyiin katirsa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Boolis Oo Lagu Qaraxiyay Xaafado Katirsan Muqdisho.

Wednesday January 10, 2018 - 14:01:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid ay leeyihiin Mas'uuliyiin katirsa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Boolis Oo Lagu Qaraxiyay Xaafado Katirsan Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu haleelay gaariga guddoomiya ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Huriwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore qarax Muqdisho ka dhacay
Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu haleelay gaariga guddoomiya ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Huriwaa.

Qaraxa oo ka dhacay kasoo horjeedka Dhismaha Shaneema Cabdi Waayeel ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Nin lagu magacaabo Abshir Kaaraan oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir uu si dirqi ah uga badbaaday weerarka.

Dhinaca kale qarax maanta barqadii ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodon ayaa sababay dhaawaca laba qof, warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa sarkaal katirsanaa ciidanka Booliska dowladda Federaalka balse qaraxu uu dhacay daqiiqado ka hor intii uusan gaariga ka deign.


Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ayaa kusii kordhaya magaalada caasimadda ah ay ee Muqdisho shalay ayay aheyd markii gaari dagaal lagu qarxiyay wadada Warshadaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items