Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Muqdisho.

Thursday January 11, 2018 - 14:50:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Muqdisho.

    Jugta qaraxyo xooggan oo ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa laga maqlay dhowr xaafadood oo katirsan degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qaraxyo xooggan oo ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa laga maqlay dhowr xaafadood oo katirsan degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 madfac ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada oo hoy u ah inta badan mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xarakada Al Shabaab oo lasoo degdegtay sheegashada mas'uuliyadda weerarkan madaafiicda ah waxay sheegtay in uu guuleystay weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu qaaday Vila Somalia.

Waa Maalintii 2-aad oo xiriir ah oo Muqdisho ay ka dhacaan weeraro shalay ayay aheyd markii laba qarax ay ka dhaceen degmooyinka Hodon iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items