Weerar 11 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

Thursday January 11, 2018 - 19:30:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar 11 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 askari oo katirsan Melleteriga DF-ka ay ku dhinteen dagaal saacado badan qaatay oo ay lagaleen ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka oo bilaawday saacaddu markii ay ku beegneed 3:30-kii galabnimo ee waqtiga Sh/dhexe  ayaa yimid kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen ciidamo watay gaadiidka Tiknikada ah oo dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaanka Gololeey  kaasi oo qiyaastii 7 KM ujira degmada Balcad.


Saacado ladagaallamayay kadib ayay maleeshiyaadka DF-ka Meydadka 5 Askari uga carareen goobta dagaalka halka Meydadka 6 askari lageeyay saldhigga Booliska degmada Balcad.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay dagaalka ku furteen saanado melleteri oo ay kamid yihiin 2 qori PKM ah iyo dhowr kamid ah hubka Ak47.

Wadarta guud ee ciidamada DF-ka looga dilay dagaalkii Deegaanka Gololeey  ayaa ah 11 dhimasho ah iyo saanado hub ah oo Al Shabaab ugacan galay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada la weeraray ay shalay iyo maanta wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad ka wadeen Howllo ay ku xaalufinayaan dhirta.

Weerarada gaadiidka looga gubayo ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay gobolka Sh/dhexe, wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa qarka usaaran in ay  noqoto meel ka caagan isticmaalka mas'uuliyiinta DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items