Ciidamada Dowladda Oo Gaari Dagaal looga Qabsaday Weerar Ka Dhacay Deegaanka Jaziira.

Saturday January 13, 2018 - 15:18:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Gaari Dagaal looga Qabsaday Weerar Ka Dhacay Deegaanka Jaziira.

    Wararka ka imaanaya duleedka Koonfur galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka Koonfur galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.


Weerar maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Jaziira ee dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ku dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaad katirsan DF-ka.

Dagaalka oo muddo kaban saacad socday ayaa dhaliyay dhimashada hal askari iyadoona xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamada dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen laba gaari oo Cabdi Bilayaal ah kadib markii ay ku ciladoobeen rasaastii dagaalka laysku dhaafsanayay, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu ay soo furteen gaari dagaal.


Deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka gobolka Banaadir waxaa kuyaal saldhigyo ay saraakiil shisheeye ku tababaraan maleeshiyaadka DF-ka wuxuuna deegaankaas dhowr mar lakulmay weeraro uga imaanayay shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items