Maxkamad 100 Jaydal iyo Masaafurin Ku Xukuntay Nin Fal Zina ah Ku Kacay.

Sunday January 14, 2018 - 06:41:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad 100 Jaydal iyo Masaafurin Ku Xukuntay Nin Fal Zina ah Ku Kacay.

    Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun ku ridday ruux fal zina ah kula kacay gabar muslimad ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaaraha degmada Kurtun Waareey
Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun ku ridday ruux fal zina ah kula kacay gabar muslimad ah,



Fagaara weyn oo ku yaala degmada Kurtun Waarey ee gobalka Shabeelada hoose waxaa ka dhacay Xad ka mid ah Xuduuda Alle  kaasi oo ay fulisay maxkamada Shareecada Islaamka ee Wilaayadaasi.

Xukunkan oo ah Xaddu Zinah waxaa lagu fuliyay Cabdi Axmed Abuukar oo si xoog ah kaga Zineystay mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan degmada Kurtunwaarey.

Fagaaraha Xadka uu ka dhacay waxaa soo xaadiray Qeybaha Bulshada ku dhaqan degmada kuwaasi oo usoo daawasho tagay fulinta Xadkaasi.



Cabdi Axmed Abuukar oo aanan guur soo marin ayeey Maxkamadu ku xukuntay Boqol Garbaash,Qaalin Geel iyo Hal Sano oo Musaafurin ah,waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee degmadaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items