Al Shabaab Oo Weerar Gaadiid Lagu Gubay Ka Fulisay Gobolka Lamu Ee Dalka Kenya.

Sunday January 14, 2018 - 07:03:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Gaadiid Lagu Gubay Ka Fulisay Gobolka Lamu Ee Dalka Kenya.

    Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan katirsan wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan katirsan wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya Jaziiradda lamu ee dalka  Kenya ayaa sheegay weerar dhabagal ah uu qabsaday kolonyo katirsan ciidanka Kenya xilli ay ku socdaalayeen waddo xiriirisa Mombaasa iyo Lamu sida ay sheegeen saraakiil katirsan dowladda Kenya.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada ugalay kolonyo ciidan Kenyaan ah kuwaas oo ka amba baxay Keymaha Booni kunasii jeeday dhanka gobolka Mombaasa

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka, Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay in weerarkaasi dhabba galka ah ay fuliyeen ciidamada Xarakada  islamarkaana weerarkaasi khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay kolanyada ciidamada Booliska Kenyaatiga ah.


Dhanka kale Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in weerarkaas  lagu gubay Labo gaari laguna dilay hal askari oo Kenyaati ah islamarkaanka 5 sarkaal oo Boolis ah dhaawacyo kasoo gaareen.

Warbaahinta Kenya ayaa faafisay sawirrada goobta weerarku ka dhacay iyo gaadiid Boolisku lahaayeen oo ku gubanaya wadada hareeraheeda,

http://somalimemo24.com/sawirro/
http://somalimemo24.com/sawirro/

Related Items