Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Agagaarka Isgoyska Ex.Control Afgooye.

Sunday January 14, 2018 - 10:08:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Agagaarka Isgoyska Ex.Control Afgooye.

    Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan degmooyinka Hodon iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lagula eegtay ciidamo katirsan dowladad Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore qarax Muqdisho ka dhacay
Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan degmooyinka Hodon iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lagula eegtay ciidamo katirsan dowladad Federaalka.


Maanta barqadii ayaa jugta qarax xooggan laga maqlay inta u dhaxaysa Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo isgoyska Ex.Control Afgooye, qaraxa waxaa lala helay kolonyo gaadiid ah sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Gaari Cabdi Bile ah oo qaraxu haleelay ayaa rogmaday waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii gaariga la socday, wararka ayaa intaas ku daraya in goobta qaraxu ka dhacay ay gaareen gaadiidka caafimaadka halkaas oo ay kasoo daabuleen Meydad iyo dhaawacyo.


isbuucii lasoo dhaafay qaraxyo ka dhacay wadada Warshadaha waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan ka dhanka ah DF-ka ee ka socda gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items