Sawirro: 19 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Dhul Go' Ka Dhacay Gobolka California.

Sunday January 14, 2018 - 21:21:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 19 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Dhul Go' Ka Dhacay Gobolka California.

    waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dhul go' iyo daadad ku dhuftay mid kamida gobollada ugu waaweyn ee dalka mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dhul go' iyo daadad ku dhuftay mid kamida gobollada ugu waaweyn ee dalka mareykanka.

Wararka ka imaanaya gobolka California ayaa sheegaya in 19 qof ay gaartay dhimashada ka dhalatay dhul go’a kajirta degmada Saanta Barbaraa ee isla gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka California ayaa warbaahinta u sheegay in 19 qof ay dhinteen islamarkaana tobanaan kale lala’yahay, wuxuuna rajja xumo ka muujiyay guuleysashada howllo badbaada ah oo ay wadaan ciidamada gurmadka degdega ee gobolka.

Madaxa musiibooyinka dabiiciga mareykanka ayaa isna sheegay in roobab mahiigaan ah oo aan kala joogsi laheyn ay sababeen dhul go’ daran wuxuuna sheegay in carrada dhoobadada ah ay gallaafatay nolosha tobaneeyo qof.


meelaha ka fog magaalooyinka waxaa lawaayay gaadiid ay dad la socdeen oo dhulku la go’ay waxana jaran adeegyada isgaarsiinta, waxaa las aadaalinayaa in khasaraaha dhimashadu uu sii kordho maalmaha soo socda.

Gobolkan bishii lasoo dhaafay ee December 2017 waxaa ku dhufatay doofaan dab ah waxaana gubtay tobanaan kun oo guri kadib markii dab aad uxooggan uu ka kacay dhulka Keymaha ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Geedo ay dabayshu jartay iyo geedo kale oo daadku siibeen ay kusoo dumayaan guryaha taas oo sababtay in dadka waayeellada ah iyo carruurta da’doodu tahay sedax sano ay dhintaan.

بحث مستمر عن المفقودين
ارتفاع عدد قتلى الانهيارات الطينية في كاليفورنيا إلى 19

Related Items