Sh.Cali Dheere oo Jeediyay Kalimad Muhiim Ah Kana Hadlay Mowqifkooda Ku Aadan Muqtaar Roobow [Dhageyso].

Monday January 15, 2018 - 19:43:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9415
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Sh.Cali Dheere oo Jeediyay Kalimad Muhiim Ah Kana Hadlay Mowqifkooda Ku Aadan Muqtaar Roobow [Dhageyso].

    Afhayeenka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa waxa uu jeediyay kalimad muhim ah oo ku saabsan waaqica dhabta ah ee la marayo taasoo halku-dheg looga dhigay (الَمْ تَرَ إِلَى الّ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa waxa uu jeediyay kalimad muhim ah oo ku saabsan waaqica dhabta ah ee la marayo taasoo halku-dheg looga dhigay (الَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ بَدَّلُوا نِعْمَتَ اللَّهِ كُفْرًا وَأَحَلُّوا قَوْمَهُمْ دَارَ الْبَوَارِ)


Kalimaddan oo la dhageysan karo muddo 38 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi ah ayuu ugu horreyn Sheekhu diiradda ku saaray halganka lagula jiro ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay wuxuuna sheegay in uu yahay waajib kamid ah waajibaadka uu Allaah adoomihiisa saaray, taasna ay kamid tahay ahdaafta loo jihaadayo.

Wuxuu soo tixay nusuus badan oo arrintaasi caddeeneysa wuxuuna yiri: "Jihaadku waa cibaado ka mid ah cibaadadka Allaah umadda muslimiinta ah uu ku waajibiyay uguna yaboohay ciddii u istaagta cizzi aduun iyo sharaf aakhiro.



قال تعالى: ﴿ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ)

Waxa uu yiri Sheekha la yiraahdo ibnu kathiir ee mufasirka ah rc isaga oo sharaxaya aayadaas : "kani waa waajibin Allaah uu ku waajibiyay muslimiinta in ay jihaadan, dhulka iyo daarta islaamkana ka difaacaan sharta gaalada. Jihaadku waa ku waajib qof kasta ama ha jihaado ama ha ka fariistee, oo waxaa laga doonayaa kan kafariistay markay mujaahidiintu uga baahdaan kaalmo amaba gar-gaar inuu u hiiliyo”. (2:26.762)

Sidaa daraadeed ayuu nabigu yiri صلى الله عليه وسلم:

«من مات ولم يغز، ولم يحدث به نفسه، مات على شعبة من نفاق»

"Qofkii dhinta isagoon ku duullin gaalada ama aan ugu sheekaynin naftiisa inuu ku duulo gaalada wuxuu dhimanayaa isagoo ay ku jirto qayb munaafaqnimada kamid ah” .

Sheekh Cali Dheere ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyay ahdaafta loo jihaadayo iyo waxa la doonayo in lagu xaqiijiyo isagoo soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay kamd yihiin: in la guto waajibka dagaalka, in dulmiga shisheeyaha laga dul qaado dadka muslimiinta ah iyo qodobo kale.

Intaasi kadbi maadaama uu jihaadku yahay mid ay naftu kohaneyso dadkuna ku kala harayaan ayaa waxa uu ka warramay dad badan oo uu jihaadku fadeexeeyay laga soo billaabo waagii Nabiga scw iyo saxaabada illaa iyo maantadan aynu joogto oo la arkay dad ku jiray safka mujaahidiinta oo biiriyay safka shisheeyaha.

Waa Maxay Kala Duwanaanshiyahii Horraanba U Dhaxeeyay Mujaahidiinta Iyo Muqtaar Roobow?

Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu muddo dheer soo jiray kala duwanaanshiyo u dhaxeeyay Mujaahidiinta iyo Muqtaar Roobow kaasoo ku qotomay arrimo badan oo ay xitaa caqiidada kamid tahay.

"Arrinta 1-aad: Waxaa la ogsoon yahay in waddanka ay aad ugu baahsanayeen hay’ado kirishtaan ah oo ku gabbanayey in ay yihiin sama fal, kuwaasoo kuhayay dalka boob, iyo ragaadin dhaqaale, faafinayay kirishtaanimada, anshax xumo, iyo cuduro.

Laakiin markay Allah mahadiis hanaqadeen wilaayaatka islaamigaa, waxay bilaabeen mujaahidiintu iney daba galaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen Wilaayaatka Islaamiga, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee kirishtaanku ay ka wadeen dalka. Arrintaasi way u cuntami waysay muktaar roobaw, waxayna ku bixisayin uu garabka saaro hayadaha gaalada difaacana ajandayaashooda gurracan, isagoo lalahaa xiiriro hoose, kulano iyo shirar qarsoodiyaoo uu la qaadanayey.

Hase yeeshee, taasi kamaysan hor istaagin hogaanka mujaahidiinta inay talaaba sharciga wafaqsan ka qaadaan hay’adahaas kirishtaanka ee cawdawga ku ah umadda muslimkaah ee soomaliyeed, ilaa ugu danbayntii laga saaray gebi ahaanba wilaayaadka islaamiga ah, laakiinse mukhtaar roobow ayaa isna sii waday xiriiradiisii iyo ballan qaadyadiisa, isagoo in badan ku goodin jiray inuu ka baxayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana hadlayo warbaahinta cadawga, kana dhaleeceynayo hadaan looyeelin sida uu doonayo” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Arrinta 2-aad ayuu Sheekh Cali Dheere sheegay iney tahay mid uu Muqtaar ku doonayay in loo hogaansamo dalabaadka qaar kamid ah dowladaha shisheeye islamarkaana wadada hadal lala galo dowladaha kaba qaadka u ah ee ay iyagu dhisteen si mujaahidiinta looga gorgortamo waxa loogu yeero beesha caalamka. Waxa uu sheegay in la isku la isku dayay in mujaahidiinta la kala jabiyo lana dacmiyiyo Muqtaar Roobow balse laga hor tagay arrintaas shirqoolka ah.

"Arinta 3aad: ee ay isku hayeen mukhtaar roobow iyo mujaahidiintu ayaa ah mid caqadiya sida uu asaguba sheegtay taas oo ah mawqifka diiniga ah ee waajibka tahay in laga qaato waxa loogu yeero beesha caalamka, ama waxa la dhaho qawaniinata dawliga ah, kaas oo ay xarakadu ka qaadatay mawqifkii nabiyyullaahi ibraahiim CS kadibna nabi muxammad SCW ay ka qaateen dawaaqiida calamka.

قال تعالى: ﴿قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِي إِبْرَاهِيمَ وَالَّذِينَ مَعَهُ إِذْ قَالُوا لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَآءُ مِنْكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةُ وَالْبَغْضَاءُ أَبَدًا حَتَّى تُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَحْدَهُ إِلَّا قَوْلَ إِبْرَاهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسْتَغْفِرَنَّ لَكَ وَمَا أَمْلِكُ لَكَ مِنَ اللَّهِ مِنْ شَيْءٍ رَبَّنَا عَلَيْكَ تَوَكَّلْنَا وَإِلَيْكَ أَنَبْنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ (4) رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا فِتْنَةً لِلَّذِينَ كَفَرُوا وَاغْفِرْ لَنَا رَبَّنَا إِنَّكَ أَنْتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (5) .

Go’aankaasina uma cunanmin Muqtaar Roobow aakhirkiina waa tan keentay inuu u hogaansamo waxa loogu yeero beesha caalamka iyo dowlada ridada ee ay beesha caalamku dhisatay si ay ugula dagaalamaan kudhaqanka sharciga Alaah” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Wuxuu intaasi ku daray in Muqtaar uu marar badan isku dayay shirqoollo isagoo jooga wilaayaadka islaamiga ah sida isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku baxay balse ay mujaahidiintu uga hor tageen sidii loogu tala galay.

Sheekh Cali Dheere oo arrintaas sii faahfaahinaya ayaa waxa uu yiri: "Qorshaha ay gaaladu damacsaneyd ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowlada mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowlada itoobiya. Allah mahadii waxaa ah in hubkii ay gaaladu usoo dhiibtey in badan oo kamid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Hadafka ay lahaayeen gaaladuna wuxuu ahaa in ay ugu suureeyaan ummada inuu yahay dagaal u dhaxeeyo dad muslimiin ah ka hor tageen, gacantana ku dhigeen hub ay shisheeyuhu usoo dhiibeen”

Sheekhu wuxuu sheegay in aysan Abuu Mansuur u hir gali doonin admaacda iyo danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay islamarkaana uu mari doono dariiqii ay mareen rag isaga uga horreeyay oo ay kamid yihiin: Axmad Madoobe iyo Shariif.

Kalimaddan oo xambaarsan gabayo xul ah oo loogu duur xulayo dabinnadii fashilmay ee Muqtaar Roobow iyo dariiqa uu qaaday ayuu ugu dambeyntii Sheekh Cali Dheere kusoo gabagabeeyay dardaarano isagoo Mujaahidiinta ugu baaqay iney noqdaan kuwa mar walba ka feejigan dhagaraha shisheeye wuxuuna hoosta ka xarriiqay inaanu jihaadku u dhutin doonin dadka shisheeye kalkaalka noqday.

FG: Xog Intan Kasii Faahfaahsan Waxaa Ka Heli Kartaa Kalimadda.

Haklan Ka Degso Kalimadda أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ بَدَّلُوا نِعْمَتَ اللَّهِ كُفْرًا وَأَحَلُّوا قَوْمَهُمْ دَارَ الْبَوَارِ

Xigasho: Amiirnuur.com

Related Items