Sedax Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Buurhakaba iyo Qarax AMISOM Lagula Beegsaday Baraawe.

Tuesday January 16, 2018 - 20:43:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Buurhakaba iyo Qarax AMISOM Lagula Beegsaday Baraawe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Markale weerar khasaara badan dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Markale weerar khasaara badan dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa AMISOM.

Qarax miino ayaa maanta gelinkii dambe lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay wadada lamiga ah ee xiriirisa deegaanka Ambareeso iyo tuulada Ababaay oo dhammaantood dhaca duleedka degmada Baraawe.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxu uu burburiyay gaari Taaw ah oo ay la socdeen ciidamada shisheeye waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamadii gaariga la socday.

Dhinaca kale weerar maanta gelinkii dambe ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ayaa dhaliyay dhimashada sedax askari.


Weerarka oo ay qaadeen ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Mooda Moode, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo kale oo katirsan maamulka Koonfur galbeed ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items