Hoggaamiyaha Maamulka 'Somaliland' Oo looga Yeeray Magaalada Addis Ababa Dalka Itoobiya.

Tuesday January 16, 2018 - 20:54:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Maamulka 'Somaliland' Oo looga Yeeray Magaalada Addis Ababa Dalka Itoobiya.

    Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiyaha cusub ee maamulka Somaliland ayaa socdaalkiisi ugu horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya tan iyo markii hoggaanka maamulkaasi loo doortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiyaha cusub ee maamulka Somaliland ayaa socdaalkiisi ugu horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya tan iyo markii hoggaanka maamulkaasi loo doortay.


Wafdiga Muuse Biixi oo tiro wasiirra ah ay kamid ahaayeen ayaa la sheegay in uu ahaa mid ay heshiis cusub oo wada shaqeyn ah ku saxiixanayeen Itoobiya iyo maamulka isku magacaabay Somaliland kaasi oo kamid ah maamullada dabadhilifyada ah ee wada shaqeynta laleh Xabashida.

Muuse Biixi oo taariikh madoow ku leh dabadhilifnimada Itoobiya ayaa xilligii uu katirsanaa Jabhadda la oran jiray SNM waxaa maleeshiyaadkiisa hubeyn jirtay dowladda Itoobiya, war lagu faagiyay barta Twitterka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in R/wasaare Hailemariam Desalegn uu casuumaad u fidiyay mas'uuliyiinta maamulka Hargeysa.


Dhammaan Hoggaamiyaasha dabadhilifyada Soomaalida ayaa marka ay xilal qabtaan waxay iska xaadiriyaan magaalada Addis Ababa oo ah halka sida rasmiga ah ay awaamirta uga qaataan, waxaa xusid mudan in kumanaan katirsan ciidanka xabashida Itoobiya ay ku xoog ku joogaan magaalooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items