Farmaajo iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Oo Ku Sugan Dhuusamareeb.

Wednesday January 17, 2018 - 16:18:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Oo Ku Sugan Dhuusamareeb.

    Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa gaaray inta badan hoggaamiyaasha maamullada kajira dalka ee la shaqeeya Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa gaaray inta badan hoggaamiyaasha maamullada kajira dalka ee la shaqeeya Xabashida Itoobiya.


Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha DF-ka, Cabdi Wali Maxamed Gaas, Shariif Sakiin iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku sugan Dhuusamareeb waxayna halkaas uga qeyb gelayaan kulan lagu mideynayo kooxaha suufida iyo maamulka Galmudug isku magacaabay.

Farmaajo oo ka hadlayay fagaare kuyaal Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladdiisu ay kaalin ka qaadatay heshiisiinta Maamulka Galmudug iyo kooxaha suufida balse isugu yeera Ahlusuna.


Kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Jabuuti ayaa gaaf wareegaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items