Nin Soomaali Jaasuus Ah Oo Lagu Qabtay Wadanka Yemen isagoo Ubasaasayay Dowladda Mareykanka.

Thursday January 18, 2018 - 10:15:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Nin Soomaali Jaasuus Ah Oo Lagu Qabtay Wadanka Yemen isagoo Ubasaasayay Dowladda Mareykanka.

    Mu'asasada Al-malaaxim oo ah garabka Warbaahineed ee Ururka Alqaacidda ee dhulka Jaziiradda Carabta ayaa soo saartay Filim cusub kaasi oo lagu soo bandhigay Jawaasiis la shaqeynayay sirdoonka dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-malaaxim oo ah garabka Warbaahineed ee Ururka Alqaacidda ee dhulka Jaziiradda Carabta ayaa soo saartay Filim cusub kaasi oo lagu soo bandhigay Jawaasiis la shaqeynayay sirdoonka dowladda Mareykanka.



Filimkan oo la daawan karo muddo 36 daqiiqo ah kuna baxayo luqadaha Carabiga iyo English-ka ayey  Al-malaaxim kusoo bandhigtay Jawaasiis u shaqeynayay sirdoonka  Mareykanka kuwaasi oo sidoo kale ka dambeeyay duqeman lagu dilay Rag badan oo katirsan Hoggaanka Ururka Alqaacidda Faraciisa dalka Yemen.

Jawaasista filimkan lagu soo bandhigayo  ayaa gaaraya illaa shan Jaasuus kuwaasi oo iyagoo ku dhex jira safka dagaalyahannada Al Qaacidda  la shaqeynayay Wardoonka Dowladda Mareykanka ee dagaalka ba'an kula jirta islaamka iyo Muslimiinta.




Ragga Mareykanka Ubasaasayay  waxaa ku jira Ninkii ka dambeeyay duqeyntii lagu dilay Munashidkii Mujaahidka ahaa ee lagu magacaabi jiray Abuu Haajir Alxadrami sidoo kale filimkan waxaa lagu soo bandhiyaaa oo lagu fashilinayaa qaabka ay u shaqeystaan jawaasiista iyo sirdoonka Mareykanka kuwaas oo dilal dhagareysan umaleega culimaa'udiinka iyo kawaadirta jihaadka caalamiga ah.
Image may contain: 1 person, beard and text
Sidoo Kale Filimka Waxaa Kasoo Muuqanaya Nin Jaasuus Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay isagoo ubasaasayay sirdoonka Mareykanka.

Ninkan Alqaacidda soo bandhigtay ee Soomaaliga ah waxaa lagu magacaabaa Cismaan Shire Jaamac oo  dalka Soomaaliya ku dhashay sanaddii 1969-balse Alqaacidda ayaa gacanta ku dhigtay isagoo aan fulin shaqadii uu Mareykanku udirsaday balse lama oga Masiirkiisa in ladilay iyo inkale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items