Dhageyso: Wariye Cabdi Fataax Filibiin Oo Su'aalo Kulul Weydiiyay Mukhtaar Rooboow.

Thursday January 18, 2018 - 14:57:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Wariye Cabdi Fataax Filibiin Oo Su'aalo Kulul Weydiiyay Mukhtaar Rooboow.

    Bishii Augst ee sanaddii 2017 ayuu Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo horay usoo noqday Afhayeenka Al Shabaab isku dhiibay taliska ciidanka Xabashida Itoobiya ee magaalada Xudur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii Augst ee sanaddii 2017 ayuu Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo horay usoo noqday Afhayeenka Al Shabaab isku dhiibay taliska ciidanka Xabashida Itoobiya ee magaalada Xudur.



Rooboow oo muddo sanada ah ku dhax jiray safka Jihaadka Soomaaliya ayaa noloshiisa siyaasadeed taariikhda baal madoow ka geliyay markii uu ku biiray kuwii uu ku sheegi jiray in uu ku jihaadayo halka kuwii uu ka barbar dagaallamayay ka dhigtay cadaw Argagaxiso ah.

Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa baahisay warbixin lagusoo aruuriyay inta badan hadalladii uu jeediyay Abuu Mansuur, ma ahan wareysi uu wariye Cabdi Fataax Filibiin toos ula yeeshay Rooboow balse waa wax wareysi u eg oo wariyuhu su’aalo isweydiinayo kadibna waxaa ka jawaabaya hadalladdii uu Roobow horay ujeediyay.



Halkan ka degso ama Hoos Ka dhageyso


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items