Al Shabaab Oo Fashiliyay Weerar Ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah Ku Qaadi lahaayeen Degmada Jamaame.

Saturday January 20, 2018 - 09:02:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Fashiliyay Weerar Ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah Ku Qaadi lahaayeen Degmada Jamaame.

    Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa ka hor tagay weerar dhuumaalaysi ah oo ciidamada dowladda Mareykanka iyo calooshood u shaqeystayaasha Bangaraafta loo yaqaan ku qaadi lahaayen degmada Jamaame oo katirsan Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa ka hor tagay weerar dhuumaalaysi ah oo ciidamada dowladda Mareykanka iyo calooshood u shaqeystayaasha Bangaraafta loo yaqaan ku qaadi lahaayen degmada Jamaame oo katirsan Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ciidamo watay diyaarado ay kusoo degeen duleedka magaalada Jamaame balse waxay ka wa heleen xoogaga Al Shabaab oo gudaha magaalada iyo Hareeraheeda ku diyaarsan kadibna si kedis ah ayay ubaqa carareen dhanka garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah markii ay ogaadeen in dhaq dhaqaaqooda laga war helay ay dhowr hoobiye ku tuureen gudaha magaalada balse majirin wax khasaara ah oo ka dhashay duqenta kooban ee Jamaame ku dhacday.


Isku deygan fashilmey ee lagu doonayay in lagu qalqal geliyo shacabka Jamaame wuxuu imaanaya xilli habeen hore ciidamo Maraykan iyo Soomaali isugu jira ay duulaan ku qaadeen machad islaami ah oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Jilliyaale oo qiyaastii 50 KM galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, waxaana halkaas ay ku dileen afar caruur ah iyo macallin, halka ay qafaasheen tiro caruur da’ yar oo wax baraneysay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed