Melleteriga Mareykanka Oo Qirtay in Uu Ku lug lahaa Weerarkii Carruurta Lagu Xasuuqay Ee Jilyaale Ka Dhacay.

Saturday January 20, 2018 - 14:46:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Mareykanka Oo Qirtay in Uu Ku lug lahaa Weerarkii Carruurta Lagu Xasuuqay Ee Jilyaale Ka Dhacay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa ku qiratay in ay ku lug leheed weerarkii habeen hore lagu qaaday machad Islaami ah oo ku yaalla deegaanya Jameeco Jiliyaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo lagu dilay qaar ka tirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa ku qiratay in ay ku lug leheed weerarkii habeen hore lagu qaaday machad Islaami ah oo ku yaalla deegaanya Jameeco Jiliyaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo lagu dilay qaar ka tirsan carruurtii Muslimiinta ahaa ee wax ku baranaysay, qaar kalena lagu qafaashay.



Sarkaal ka tirsan militariga Maraykanka oo la hadlay shabakada CNN ayaa sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay kaalin caawin ah ku lahaayeen weerarka lalal beegsaday machadka ay carruurtu  wax ku baranayeen, isagoo sheegay in weerarka ay hormuud u ahaayeen maleeshiyaadka Soomaalida ah ee ay iyagu tababareen kuwaas oo loo yaqaan Bangaraafta.

Dowladda Mareykanka waxay ku faantay in ay si toos ah ugu lug laheyd weerarkan lagula kacay carruurta taas oo banaanka soo dhigaysa in dowladda  mareykanka ay toos ugu lug leedahay dagaalka maata layska ah ee soomaaliya ka socda.



Dowladda Federaalka  ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa iyana sheegtay in maleeshiyaadkeeda oo taageera ka helaya ciidamada Mareykanka ay weerarkii Jilyaale fuliyeen, maalmo ka hor warbixin ay soo saartay hay'ad HRW ee laga leeyahay wadamada reergalbeedka ayaa cadawga ku boorinaysay beegsiga macaahidda islaamiga ah ee culuumta sharciga lagu barto kadibna waxaa yimid  weerarkii habeen hore jilyaale ka dhacay halkaas oo lagu laayay carruur kuwa kalane lagu qafaashay.

Hoggaannada mujaahidiinta ayaa dhowr mar muslimiinta usoo bandhigay wuxuushnimada dowladaha mareykanka iyo xulufadeed oo dagaal aan kala sooc laheyn ku qaadday muslimiinta, sidaas oo ay tahay Mareykanka ayaa dhowr mar sheegay in uu uturayo dadka shacabka ah islamarkaana uusan xasuuq geysan balse xaalku sidaas ma ahan oo waxay xasuuqaan shacabka.

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed