Akhriso: Maamulka Gobolka Banaadir Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeyntii Farmaajo.

Saturday January 20, 2018 - 20:16:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Maamulka Gobolka Banaadir Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeyntii Farmaajo.

    Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir kaasi oo salka ku haya awood qeybsi iyo arrima siyaasadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir kaasi oo salka ku haya awood qeybsi iyo arrima siyaasadeed.

Khilaafkan oo daba lagelaya weeraradii ay madaxda dowladda Federaalka ku qaadeen siyaasiyiin uu kamid ahaa Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa hadda gaaray meel xasaasi ah.

Bayaan xalay kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu joojiyay iibinta dhulka danta guud wuxuuna umuuqday mid si toos ah ufara gelinayay Thaabid guddoomiyaha gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu ku amray wasiirka arrimaha gudaha in uu xilka ka qaado Thaabit balse uu arrinkaas dhegaha ka furaystay.


Warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa isna lagu sheegay in uusan jirin wax ladhaho maqaamka gobolka Banaadir arrimaha maamulkaasna uu leeyahay Baarlamaanka.

War kale oo maanta gelinkii dambe kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa loogu jawaabay Farmaajo waxaana magaalada ka socda kulamo siyaasadeed oo lagu diidanyahay Fagfagta Thaabit kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay waday qorshe uu ku qabanayo shir lagu dhisayo wax u eg maamul goboleed tallaabadaas oo ka careysiisay kheyre iyo Farmaajo


Related Items