Dhageyso: Sheekh Cali Dheere Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuqii Ay Ciidanka Mareykanka Ugeysteen Carruurtii Machadka Jilyaale.

Saturday January 20, 2018 - 21:30:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Cali Dheere Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuqii Ay Ciidanka Mareykanka Ugeysteen Carruurtii Machadka Jilyaale.

    Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray xasuuq ay ciidamo Mareykan ah iyo maleeshiyaadka Bangaraaf ay Jimcihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaan dhaca halka ay iska galaan gobollada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray xasuuq ay ciidamo Mareykan ah iyo maleeshiyaadka Bangaraaf ay Jimcihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaan dhaca halka ay iska galaan gobollada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.


Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa kalimad uu jeediyay wuxuu ugu horrayn Beesha Gaaljecel gaar ahaan Jugada Barsame uga Tacziyeeyay carruurtii looga dilay weerarkii Bahalnimo ee ka dhacay Machadka barashada culuumta sharciga deegaanka Jiyaale.

Wuxuu sheegay in falkaasi uu banaanka soo dhigayay cadaawadda dowladda Mareykanka ay uqabto muslimiinta, Sheekh Cali dheere ayaa hay'adda sheegata in ay udooddo xuquuqul inshaanka ee HRW wuxuu ku eedeeyay in ay ka qeyb qaadatay fal dambiyeedka lagu xasuuqay carruurta aan waxba galabsan.


Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa ugu baaqay ciidamada Mujaahidiinta in ay sii wadaan dagaalka ay cadawga shisheeye uga difaacayaan muslimiinta isagoo baaq ujeediyay shacabka Soomaaliyeed oo ah in ay dhinac ugasoo wada jeestaan cadawga sida aan kala sooca laheyn ugummaadaya carruur iyo waayeel.

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay in ay ku lug laheyd fal dambiyeedkii lagu dilay 4 carruur ah iyo macalinkoodi iyo qafaalka tobanaan kale oo hadda lagu hayo saldhig cidianka Mareykanka ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Halkan ka degso Kalimadda Sheekh Cali Dheere MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items