Akhriso: Farmaajo Oo Shaqada Ka Eryay Thaabit Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Kuna Bedelay C/Raxmaan Yariisoow Wasiirkii Warfaafinta.

Sunday January 21, 2018 - 07:39:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Akhriso: Farmaajo Oo Shaqada Ka Eryay Thaabit Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Kuna Bedelay C/Raxmaan Yariisoow Wasiirkii Warfaafinta.

    Wareegto goordhow kasoo baxday xafiiska Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay Thaabit Guddoomiyihii gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto goordhow kasoo baxday xafiiska Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay Thaabit Guddoomiyihii gobolka Banaadir.
Khilaafkii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Kheyre oo isku dhinac ah iyo Thaabit ayaa sababay in la eryo guddoomiyihii gobolka Banaadir oo isla xalay taageerayaashiisu ay u doorteen guddoomiyaha maamul Goboleedka Banaadir State.

Cabdi Raxmaan Yariisoow oo hayay xilka wasiirka Warfaafinta ayaa si KMG ah loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho waxaana muuqata in siyaasadaha ay qaateen Kheyre iyo Farmaajo ay tahay mid ay ku eryayaan siyaasi walba oo muujiya in uu howshiisa umadax banaanyahay.


Warka kasoo baxay Farmaajo ayaa isla markiiba lagu dhameystiray maamulka gobolka Banaadir wuxuuna umuuqday mid mar hore lasii diyaariyay, talaabadan oo aheyd mid looga hortagayay in uu sii faafo khilaafka kajira Muqdisho.

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

 

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

 

Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;

 

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

 

  • Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud

 

  • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Related Items