Thaabit Oo Codsaday in Ciidamada laga Dulqaado Xarunta Gobolka Banaadir Kana Hadlay Wixii Khilaafka dhaliyay.

Monday January 22, 2018 - 09:38:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Thaabit Oo Codsaday in Ciidamada laga Dulqaado Xarunta Gobolka Banaadir Kana Hadlay Wixii Khilaafka dhaliyay.

    Guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay ee gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in uu ku qasbanyahay aqbalidda wareegtadii kasoo baxday Farmaajo si loo ilaaliyo wax uu ugu yeeray deganaashiyaha caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay ee gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in uu ku qasbanyahay aqbalidda wareegtadii kasoo baxday Farmaajo si loo ilaaliyo wax uu ugu yeeray deganaashiyaha caasimadda.

Thaabit Cabdi ayaa markii ugu horraysay ka dhawaajiyay in dhibaatooyin dhanka maamulka ah ay ka jiraan magaalada Muqdisho isagoo soo hadal qaaday sababihii ku dhaliyay Hoggaanka DF-ka in ay xilka ka xayuubiyaan wuxuuna ka digay in xaaladdu sii xumaato.

Guddoomiyaha la casilay ayaa ka shanqariyay in lagu colaadiyay wax uu ugu yeeray Maqaamka shacabka Muqdisho balse wuxuu umuuqday mid ka gaabsanayay soo bandhigista dhammaan wixii khilaafka dhaliyay isagoo carrabka ku adkeeyay in Muqdisho u baahantahay maamul Nabadoon ah.


Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in ciidamada laga dulqaado xarunta maamulka gobolka Banaadir si ay uga baxaan xarunta islamarkaana uu xilka wareejiyo Yariisoow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items