Video: Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay in Marka La Arko Sawirrada Ciidamada Al Shabaab Oo Darees Qurxan iyo Hub Wata la dareemo Cabsi iyo Rucbi.

Monday January 22, 2018 - 10:37:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay in Marka La Arko Sawirrada Ciidamada Al Shabaab Oo Darees Qurxan iyo Hub Wata la dareemo Cabsi iyo Rucbi.

    Hoggaamiyaha wadanka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horraysay ka hadlay qorshaha ay ciidamada shisheeyaha AMISOM uga baxayaan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha wadanka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horraysay ka hadlay qorshaha ay ciidamada shisheeyaha AMISOM uga baxayaan dalka Soomaaliya.


Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi dhinacya badan taabanaya siiyay Telefeshinka Universal ee Afka Soomaaliga ku hadla ayaa sheegay in bixitaanka ciidanka AMISOM uu yimid kadib markii ay cagahooda isku taageen maleeshiyaadka DF-ka!.

Geelle oo umuuqday mid xaqiiqda iska indha tiraya ayaa hoos u dhigay awoodda Al Shabaab wuxuuna marmarka qaar muujinayay in uu ka qarracmo oo uu ka baqo muuqaallada lagasoo duubo dagaalyahannada Al Shabaab.


Ismaaciil Cumar Geelle oo ah hoggaamiye kaligii taliye ah oo aad ula dagaallama warbaahinta madax banaan ayaa ku eedeeyay saxaafadda Soomaalida in kaalintii larabay aysan ka qaadan dagaalka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin balse isagu uu ku sifeeyay dagaalka ‘Argagaxisada ka dhanka ah’, xataa wuxuu dhaliilay qaar kamid ah saxaafadda shisheeyaha sharciyadda siisa.

"Marka dee wariyuhu uu sheegayo Shabaab ciidanada buu oranayaa waa argagaxiso ma oranayo oo ma yaraynayo khatartooda, dagaalkii argagaxisada lagula jiray wuu ka harayaa wariyaha soomaaliga ah taasna dhibaato ayay keenaysaa oo umaddii ayaa jiha wareeraysa cabsi iyo rucbi ayaa imaanaya kolkaasaa lagu tusayaa sawir ay darees qurux badan sitaanoo oo magaranaysaa rasaastii ay ka badatay ciidankii soomaalidana wuxuu la’yahay xabad ay ku dagaallamaan” ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aysan jirin dhul ay ka taliso Xarakada Al Shabaab isagoo isku dayayay in guulo afka ah uu siiyo ciidamada Xabashida iyo AMISOM oo muddo 10 sanadood ah dagaal daba dheeraaday uga jira Soomaaliya.

Geelle ayaa intii uu wareysigu socday kala hadlayay mar wuxuu oranayay Alshabaab weeraro dhabagal ah ayay dhigaan,mar wuxuu oranayay meel ay joogaan malahan oo awoodoodi waa wiiqantay balse wuxuu aad walaac uga muujiyay muuqaallada dagaalyahanada Alshabaab ee warbaahinta kasoo muuqanaya.

Jabuuti dowladda kajirto mana ogola warbaahinta xurta ah waxayna diidantahay in dhibaatada shacabka heysata adduunka latuso waxaana xusid mudan in Ismaaciil Cumar Geelle uu Kumanaan askari usoo diray Soomaaliya islamarkaana ciidamadiisu ay go’doon ku yihiin laba magaalo oo katirsan gobolka Hiiraan.

Sawirrada quruxda badan ee uu sheegayo in ay kasoo muuqaanayaan warbaahinta waa kuwa mu'asasada Alkata'ib ay faafiso mana jirto warbaahin kale oo alshabaab sawirro kasoo qaadday.

Hoggaamiyaha Jabuuti waxaa la sheegaa in uu yahay maskaxda ka dambeysay in ciidamada Xabashida Itoobiya ee Soomaaliya kusoo duulay loo geliyo shaatiga AMISOM isagoo shacabka Soomaaliyeed laraba gumeysi iyo in ay laheystayaal u noqdaan shisheeye Afrikaan ah.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay arrimaha faqriga iyo dhibaatada heysata dadka Jabuuti ayuu beeniyay wuxuuna yiri "dadka oranaya dowladdu dada magaarsiin nacfiga waa laba uun mid in ay xaasidiin yihiin iyo in ay war moog yihiin”.

Halkan ka Degso Geelle oo Kala hadlaya ama Hoos Ka Daawo



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed