Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal khasaara dhaliyay uu dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed.
Weerar dhabagal ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin u dhigeen maleeshiyaad ku
socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ayaa
dhaliyay khasaara lixaad leh.
Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa soo sheegay in dagaal culus oo ka dhacay
deegaanka Kurtun lagu dilay ugu yaraan sedax askari oo katirsanaa
Maleeshiyaadka Maamulka Shariif Sakiin ee dabadhilifka u ah Xabashida Itoobiya.
Ciidamada Al Shabaab ayaa ciidamada ladilay ka furtay sedax qori AK47 ah,
wararka ayaa intaas ku daraya in dhulkii lagu dagaallamay ay gacan ku heyntiisa
u hareen xoogaga Al Shabaab.
Weerarada ka dhanka ah ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka maamulka
Shariif Sakiin ayaa joogta ah gobollada Bay iyo Bakool waxaana xusid mudan in
Al Shabaab ay hareerayn kusoo rogtay inta badan magaalooyinka gumeysiga kujira
ee gobolladaasi.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Al Shabaab Oo Askar Badan Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Bardaale.
Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal khasaara dhaliyay uu dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed.