Ilo Wareedyo: Kheyre Wuxuu Eryi Doonaa Wasiirro Kuwa Kalana Waa Magacaabayaa.

Monday January 22, 2018 - 15:36:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilo Wareedyo: Kheyre Wuxuu Eryi Doonaa Wasiirro Kuwa Kalana Waa Magacaabayaa.

    Kadib markii wareegto kasoo baxday madaxweyne Farmaajo lagu eryay gudoomiyihii gobolka Banaadir ayaa warar aynu heleyno oo lagu kalsoon yahay sheegayaan in Xassan Cali Kheyrre uu isna doonayo inuu isku dhaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada ee mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii wareegto kasoo baxday madaxweyne Farmaajo lagu eryay gudoomiyihii gobolka Banaadir ayaa warar aynu heleyno oo lagu kalsoon yahay sheegayaan in Xassan Cali Kheyrre uu isna doonayo inuu isku dhaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada ee markii horaba qabyada ahaa.


Ujeedada isku shaandheynta ayaa ah in golaha laga eryo wasiiro u janjeera dhanka siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda, laguna bedelo kuwa u badan qurba joog la dhacsan siyaasadda jah wareerka ku dhisan ee Farmaajo.

Xassan Cali Kheyrre ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo inuu buuxiyo laba wasaaradood oo horey u bannaanaa, kwuaasoo kala ah: Awqaafta iyo Musiibooyinka, sidoo kalana uu magacaabo taliyaasha Nabad sugidda iyo Boliska.

Isku shaandheyntan ayaa keeni karta guux siyaasadeed iyo khilaafaadyo hor leh oo dowladda caqabad ku noqda. Farmaajo iyo Kheyrre ayaa raadinaya rag iyaga u sacbiya oo aanan marnaba ka caroon khaldaadkooda, balse dadka sida aadka ah u yaqaana siyaasadda dowladda ayaa sheegaya inaaney taa macquul ahayn, waayo ragga haatan is khilaafsan waxay markii horaba ahaayeen kuwa saaxiibo ah, balse waxaa isku diray danahooda gaarka ah, kuwa hadda la keeni doonana sidaa ayay noqon doonaan.



Xigasho: Amiirnuur Media

Related Items