Dagaal Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM OO Ka Socda Duleedka Magaalada Marka.

Tuesday January 23, 2018 - 13:21:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM OO Ka Socda Duleedka Magaalada Marka.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ku socdaalayay deegaan katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ku socdaalayay deegaan katirsan Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa Marka iyo Afgooye ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay halkaas ku dhaxmareen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa AMISOM.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in weerar Dhabagal ah uu maanta barqadii ka bilaawday inta u dhaxaysa Shalaambood iyo Ceel Wareegoow oo ah deegaanno dhaca duleedka Marka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay dagaalka ku gubeen laba baabuur oo mid kamida uu yahay Booyad halka midka kale uu yahay Taaw.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Faah Faahin dheeri ah ayaan dib kasoo sheegi doonaa insha'allaah

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed