Dagaallo iyo Duqeymo Ka Dhacay Buula Burde iyo Deegaanno Katirsan Sh/Hoose.

Wednesday January 24, 2018 - 09:59:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo iyo Duqeymo Ka Dhacay Buula Burde iyo Deegaanno Katirsan Sh/Hoose.

    Dagaallo iyo duqeymo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan Gobolka Sh/Hoose oo shalay ay ka dhaceen dagaallo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo iyo duqeymo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan Gobolka Sh/Hoose oo shalay ay ka dhaceen dagaallo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada AMISOM.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab  xalay weeraro loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaannada NO.60 iyo Golweyn.

Meelaha qaar waxaa lagasoo sheegayaa dagaallo fool ka fool ah, illaa afar baabuur oo lagu gubay dagaallo iyo qaraxyo shalay ka dhacay duleedka Shalaambood ayaa wali yaal wadada laamiga ah.

Dhinaca kale dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada Jabuuti ee magaaladaasi.


Goob joogayaal ayaa sheegay in weerarada ay Shabaabku qaadeen isku bedeleen dagaallo culus oo muddo saacada ah qaatay.

Saaka aroortii hore markii uu waagu baryay ayay saraakiisha ciidamada Jabuuti hawada ka saareen isgaarsiinta magaalada Buula Burde.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallada dib uga qarxay magaalada Hareeraysan ee Buula Burde, saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa caan ku ah in ay hawada ka saaraan isgaarsiinta marwalba oo weerar khasaara geysta lala beegsado.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items