Wargeyska THE GUARDIAN: 50 Ruux Oo Shacab Ah Ayaa Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Duqeymaha Cirka Ee Soomaaliya

Wednesday January 24, 2018 - 21:08:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska THE GUARDIAN: 50 Ruux Oo Shacab Ah Ayaa Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Duqeymaha Cirka Ee Soomaaliya

    Tobanaan ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay Soomaaliya xilli duqeymaha xagga cirka ee ay geysanayaan diyaaradaha Mareykanka ay sanadkan u kordheen si aanan horay loo arag sida lagu sheegay baaritaan iyo dabagal uu sameeyey Wargeyska G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay Soomaaliya xilli duqeymaha xagga cirka ee ay geysanayaan diyaaradaha Mareykanka ay sanadkan u kordheen si aanan horay loo arag sida lagu sheegay baaritaan iyo dabagal uu sameeyey Wargeyska Guardian ee laga leeyahay dalka Ingiriiska, Waxaana talaabadan lagu tilmaamayaa mid sii kordhineysa cabsida laga qabo in falalka ay ku kaceyso dowlada Mareykanka ay sii xoojiyaan taageerada shacbiga ah ee ay gudaha dalka ku leedahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.


Sara u kaca ku yimid duqeymaha waxay qeyb ka yihiin ballaarin uu maamulka Trump ku sameyey istaraatiijiyadda siyaasadda arimaha dibadda ee Africa iyo bariga dhexe. Diyaaradaha Mareykanku waxay Soomaaliya ka fuliyeen 34 weerar oo xagga cirka ah lixdii bilood ee ugu dambeysay taas oo ah cadad ku laba jibaarma dhamaan duqeymihii uu Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya sanadkii 2016-kii.

Dowladaha AMISOM  ee Mareykanka kala qeybqaadanaya dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa iyagana fuliyey weeraro dhowr ah oo xagga cirka ah kuwaas oo iyagana geystay qasaare culus.



12 Bilood Gudahood

inta badan dhammaan duqeymahan waxaa la sheegay in lagu beegsanayey Xarakada  Al-Shabaab oo ah farac taabacsan Al-Qaacida oo muddo ka badan 10 sano u dagaalameysa sidii dowlad Islaami ah looga dhisi lahaa Soomaaliya balse khasaaraha ugu badan wuxuu soo gaaray dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn.

Wargeyska the Guardian wuxuu soo uruuriyey sidoo kalena baaritaan ku sameeyey duqeymaha 12-kii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya, iyo wararka ku saabsan duqeymahan ee ay isla dhexmarayeen warbaahinada gudaha, Iyadoo hubineysa sheegashooyinka warbaahinta gudaha, sidoo kalena kaashaneysa qiraalka saraakiisha reergalbeedka, kuwa dowlada, shaqaalaha caafimaadka, goobjoogeyaal iyo ehelada dhibaneyaasha.

Shan weerar oo dhacay tan iyo wixii ka dambeeyey bishii July 2017, waxaa lagu dilay laguna dhaawacay in ka badan 50 ruux oo shacab ah sida uu tilmaamayo Wargeyska, Waxaana weeraradaas laba ka mid ah ku lug lahaa diyaaradaha Mareykanka. Waxaa sidoo kale jira khasaaraha kale ee dheeraadka ah oo ay sababeen duqeymo kale oo aan la soo tabin.

Shan ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay, laba kalena waa lagu dhaawacay duqeyn 6-dii December lagu soo qaaday deegaan yar oo lagu magacaabo Ilimeey oo qiyaas ahaantii 130km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo shaqaale isbitaal. Duqeyn kale oo dhacday bishii October, waxay dadka deegaanka iyo saraakiisha caafimaadku sheegeen in ku dhawaad 8 ruux ay ku dhaawacmeen duqeymo ka dhacay Sh/hoose waqti ay socdeen dagaallo culus. Bishii ka sii horeysay, afar ruux oo xoola-dhaqato ah ayaa la dhaawacay ka dib markii la duqeeyey barkad biyaha laga cabo oo ku taalla meel u dhow xad-beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Bishii August, todobo xubnood oo ka soo jeeda hal qoys, ayna ku jiraan caruur ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay koonfurta Jubbooyinka sida ay sheegayeen ehelada dadka la laayey laakiin saraakiishu waxay ku andacoonayaan in dhamaan dadka la laayey ay ahaayeen argigixiso. Bil ka sii horeysay, afar ruux oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa la dilay, 8 kalena waa la dhaawacay ka dib markii duqeyn lagu beegsaday xaafad ku taalla meel u dhow magaalada Kismaayo sida ay sheegayaan ehelada dhibanayaasha iyo dad goobjoogeyaal ah. Duqeymuhu waxay sidoo kale laayeen cadad badan oo xoolo ah, waxayna sababeen burbur xoogan oo soo gaaray dhul-beereedka.

74 Duqeyn Oo Xagga Cirka Ah

Inkastoo kororka ku yimid duqeymihii u dambeeyey ay yihiin kuwa aanan horay loo arag, hadana wuxuu wargeyskan tilmaamayaa in isticmaalka awoodda xagga cirka ah ee Mareykanka wey kusoo badaneysay Soomaaliya tan iyo ka hor inta uusan Trump noqon madaxweynaha Mareykanka.

Warbixin ay dhawaan sameysay QM waxay ku sheegtay in 74 duqeyn oo xagga cirka ah ay dhaceen intii u dhexeysay January 2016 iyo October 2017, kuwaas oo sababay qasaaraha 57 ruux laakiin warbixintu waxay khasaaraha ugu badan dusha ka saartay dowladda Kenya oo ay sheegtay in ay diyaaradaheedu fuliyeen duqeymaha ugu badan ee geystay qasaaraha soo gaaraya shacabka.

Dowladda Kenya waxay kumanaan ciidamo ah iyo saddex diyaaradood oo helicopterada weerarka ku biirisay isbaheysiga  AMISOM ee dagaalka kaga jira Soomaaliya balse waxaa la rumeysan yahay in kumanaan kale oo dheeraad ah oo ka madax banaan Isbaheysigan ay ka joogaan gobolada saaran xadka, sidoo kalena mararka qaar ay duqeymo iskood ah ka fuliyaan deegaanada saaran xadka sida uu sheegayo Wargeyska The Guardian.

 

kororka lama filaanka ah ee ku yimid adeegsiga awoodda cirka ah ee Mareykanku u isticmaalayo Soomaaliya ayaa timid ka dib markii la tuuray xeer ay sheegeen in markii hore uu xadidayey bartilmaameedyada si loo yareeyo khasaaraha shacabka iyo go’aan dhawaan ka soo baxay maamulka Trump kaas oo saraakiisha Mareykanka ee gobolka siinayey awood dheeraad ah oo ay ku amri karaan weerarada si ka duwan halkii markii hore amarka laga sugi jiray aqalka cad.

 

Ibraahim Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deegaanka Ilimey oo ah deegaan qiyaastii 130KM koonfur galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa Wareysi Telephone oo uu siiyey Guardian ku sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen laba kalena ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday deegaanka lixdii bishii December ee la soo dhaafay.


"Beeraleydu waxay fadhiyeen maqaayad shaaxa laga cabo oo ku taalla deegaanka Markii ay diyaaradu soo dulmareysay deegaanka, sidaas ayeyna ku duqeysay. Qaar ka mid ah dhibanayaashu wadada ayey marayeen, halka kuwo kalena ay gudaha maqaayadda ku cabayeen shaax casariyo ah. Shan ruux ayeyna halkaas ku dileen. Dadka ay dileen ma ahan Al-Shabaab ee waxay dilayaan dadka shacabka ah” ayuu yiri.

 

Saraakiisha caafimaadka ee Muqdisho waxay sheegeen in la soo gaarsiiyey dhaawacyada laba ruux oo midkood ahaa gabar yar oo 18 bilood dhalan, iyo wiil 23 sano jir ah oo uu ka muuqdo firirka gantaalka ay la beegsatay diyaaradda. Dadka lagu dilay duqeyntaas wuxuu wargeysku ku sheegay gabar shan jir ah, iyo gabar kale oo 17 jir ah, iyo saddex ruux oo rag ah. Afhayeen u hadlay dowladda Mareykanka wuu beeniyey duqeyntan, wuxuuna sheegay in aanan wax duqeyn ah diyaaradooda ka fulin Soomaaliya 6-dii December ee la soo dhaafay.


Beeraley Iyo Xoola Dhaqato

Bishii Oct ee la soo dhaafay, diyaaradaha Mareykanku waxay duqeyn ka geysteen meel u dhow deegaanka Awdheegle, halkaas oo ay sheegeen in uu ka socday dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo maleeshiyaatka murtadiinta balse duqeyntaas waxay dadka deegaanku sheegeen in lagu dhaawacay ugu yaraan 8 ruux oo shacab ah. Nin lagu magacaabo Muuse Xiirey oo ah oday dhaqameed ayaa sheegay in saddex ruux oo dumar ah, hal cunug iyo afar rag ah oo qaba dhaawacyo kala duwan loo gudbiyey Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho ka dib markii gantaal lala beegsaday gurigooda.

"Waxay ahaayeen dad isugu jira Beeraley iyo Xoola Dhaqato, ma ahayn Al-Shabaab” ayuu yiri odaygan 56 sano jirka ah ee uu soo xiganayo Wargeyska.
Mid ka mid dhaqaatiirta oo lala xiriiray ayaa isna sheegay in ay daaweeyeen laba rag ah iyo haweeney ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday inta u dhexeysa Awdheegle iyo Bariire. Mareykanku waxay sheegteen in hal duqeyn ay maalintaas ka fuliyeen meel qiyaastii 35 mile u jirta Muqdisho.

Dhacdada saddexaad waxay ka dhacday tuulada la yiraahdo Tarako oo u dhow xad-beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya taas oo dhacday wax yar un ka dib markii ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay beegsadeen Barkad biyaha laga cabo, ayna halkaas ku dileen 20 neef oo geel ah, kuna dhaawaceen ilaa afar ruux oo xoola dhaqato ah.

Weerarkii Tuulada Axmad Yare.

Intii u dhexeysay 16-ka iyo 17 August, Mareykanku wuxuu sheegtay in uu dilay 7 dagaalyahan oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ka dib saddex duqeyn oo ay ka fuliyeen Jubada dhexe laakiin dadka deegaanka, Warbaahinta gudaha iyo iclaamka AlShabaab intuba waxay sheegen in 7 ruux oo shacab ah lagu dilay duqeymahaas oo ka dhacay tuulada Axmad oo qiyaas ahaantii 15Km u jirta degmada Jilib.

 

Haweeney lagu magacaabo Xaliima Sheykh Yare oo iyadoo Kismaayo ku sugan lala yeeshay wareysi telephone ah ayaa sheegtay in dadka la dilay uu ka mid ahaa adeerkeed oo lagu magacaabo Sheykh Maxamed kaas oo ahaa Sheykh caan ah oo laga yaqaano deegaanka, islamarkaana lala dilay xaaskiisa iyo shan nin oo eheladiisa ka mid ah.

 

Haweeneydan waxay sheegtay in adeerkeed uu ahaa nin beeraley ah, uuna sidoo kale ahaa Sheykh iyo Imaam laga yaqaano deegaanka, islamarkaana uusan ahayn Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab sida ay u dhigeen Saraakiisha dowladda.

"Al-Shabaab waa dad la yaqaano oo hubeysan, laakiin dadkan waxay ahaayeen xubno hal qoys ah oo joogay gurigooda, mana hubeysneyn” ayey tiri. Xasan Muxumad oo ka mid ah dadka deegaanka oo isna booqday halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in dhamaan dadka la beegsaday ay ahaayeen Shacab.

Afhayeen u hadlay military-ga Mareykanka ayaa gabi ahaanba inkiray wararkan, wuxuuna ku adkeystay in dadka la laayey ay ahaayeen dagaalyahano hubeysan.

Dhacdadii ugu dambeysay ee ay baaritaanka ku sameysay Guardian waxay ahayd duqeyn dhacday habeen fiidnimo ah oo taariikhdu ku beegneyd 18 July taas oo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Qabri Shariif oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in qarax weyn uu ku habsaday guryo dhowr ah oo ku yaalla tuulada, kaas oo sababay dhimashada saddex caruur ah iyo hal nin, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo kale kuwaas oo dhaawacyadooda loo daabulay magaalada Kismaayo. Muxumad Kuusoow oo ah oday dhaqameed ayaa sheegay in caruurta ay ku ciyaarayeen gudaha gurigooda markii ay duqeyntu dhaceysay.

Dr. Xasan Sheykh Cali oo xilligaas ahaa dhaqtarka isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in la soo gaarsiiyey dhaawacyada ilaa afar ruux oo dhamaantood ahaa xoola-dhaqato. "Waxay noo sheegeen in duqeyn lagu beegsaday tuuladooda 18-kii July taas oo sababtay dhimashada dhowr qof iyo xoolo badan” ayuu yiri dhaqtarka.

Nin lagu magacaabo Cabdi Nuur Maxamed oo warfaafinta u qaabilsan maamulka ridada ka jira Kismaayo ayaa wargeyska u xaqiijiyey in ay ka warhayeen duqeyntaas , ayna geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya, isagoo qiray in lagu laayey dad shacab ah.

Falanqeeyayaashu waxay walaac xoogan ka muujinayaan in weeraradan cashwaa’iga ah ee Mareykanka iyo xulifadiisu ka wadaan Soomaaliya ay majaxaabiyaan kalsoonida yare ee dowlada ridada iyo isbaheysiga saliibiga uu ku leeyahay wadanka, -waaba haddii ay kalsoonida u hartaye- uuna sidoo kale sii xoojiyo taageerada, isku soo dhawaanshiyaha iyo kalsoonida ka dhexeysa shacabka iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan ka akhri Warbixinta Wargeyska

Hoos Ka Daawo Sawirrada Qaar Kamid ah Dadkii Mareykanku Ku Xasuuqay Soomaaliya kadib doorashadii Trump

























Related Items