Korneel Katirsanaa Melleteriga Dowladda Federaalka Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay isgoyska Tarabuunka.

Thursday January 25, 2018 - 10:20:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Korneel Katirsanaa Melleteriga Dowladda Federaalka Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay isgoyska Tarabuunka.

    Qarax khasaara dhaliyay ayaa saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federaalka lagula beegsaday Galbeedka magaalada Muqdisho xilli qaraxyadu ay kusii badanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore qarax Muqdisho ka dhacay
Qarax khasaara dhaliyay ayaa saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federaalka lagula beegsaday Galbeedka magaalada Muqdisho xilli qaraxyadu ay kusii badanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.


Wararka ka imaanaya degmada Hodon ayaa sheegaya in qarax maanta barqadii ka dhacay agagaarka isbitaalka Digfeer lagu dilay sarkaal sare oo katirsan melleteriga dowladda Federaalka kuwa kalane ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo saraakiil ciidan la socdeen, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu ku dhintay Col. Cabdullaahi Yare oo katirsanaa saraakiisha Melleteriga halka ay ku dhaawacmeen laba sarkaal oo magacyadooda lagu sheegay Col.Faysal iyo Col. Cabdi Risaaq.


Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa isbitaalka Digfeer iyo isgoyska Tarabuunka oo ka wada tirsan degmada Hodon, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxa oo ahaa mid xooggan.

Saraakiisha dhaawacantay mid kamida xaaladdiisa caafimaad aad ayay uliidataa sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka  Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed