Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Drone Ah Oo Kusoo Dhacday Duleedka Kismaayo.

Thursday January 25, 2018 - 19:45:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Drone Ah Oo Kusoo Dhacday Duleedka Kismaayo.

    Mid kamida diyaaradaha wax basaasa oo dowladaha reergalbeedku ay leeyihiin ayaa kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida diyaaradaha wax basaasa oo dowladaha reergalbeedku ay leeyihiin ayaa kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta Somalia

Wararka imaanaya gobollada Jubbooyinka gaar ahaan duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in diyaarad nuuca wax basaasa ah ay kusoo dhacday deegaan ay xoogaga Al Shabaab maamulaan.

Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay kusoo dhacday deegaanada loo yaqaan Beerxaani xilli halkaas ay muddo saacada ah dul heehaabaysay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen burburka diyaaraddan oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka ee sida tooska ah ugu lugta leh duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya, ciidamo katirsan Al Shabaabayaa ayaa gacanta ku dhigay diyaaradan waxayna ula dhaqaaqeen goob amni ah.

 

Diyaaradaha wax duqeeya ee aan duuliyaha laheyn iyo kuwa wax basaasa ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay iyagoo dul heehaabaya deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose oo Al Shabaab ay maamusho.

Diyaaraddan kusoo dhacday deegaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamo Mareykan ah ay ka dhaq dhaqaaqyo ka wadeen deegaanno galbeedka iyo Bariga uga toosan maagalada xarunta u ah Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed