Weeraro Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Beled Weyne.

Friday January 26, 2018 - 11:27:29 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro khaaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'HirShabelle' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro khaaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'HirShabelle' isku magacaabay.


Xoogag Katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weer ku qaaday goob isbaaro utiillay maleeshiyaad katirsan maamulka Hirshabelle deegaanka Gambar laawe oo qiyaastii 3KM ujira magaalada Beled Weyne.

Weerarka oo ahaa mid kedis ah waxaa lagu dilay 2 askari halka 5 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen, wariye ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegay in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka.

Weerar kale oo habeen hore ka dhacay Bariga magaalada Beled Weyne ayaa lagu dilay askari katirsan DF-ka hubkii uu watayna waa laga qaatay, 24 saac gudahood ayaa Beled weyne iyo hareeraheeda lagu dilay sedax askari waxaana mas'uuliyadda weeraradan sheegtay Alshabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items