95 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Taliban Ay Ka Fulisay Magaalada Kaabuul Ee Afghanistan.

Saturday January 27, 2018 - 14:42:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    95 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Taliban Ay Ka Fulisay Magaalada Kaabuul Ee Afghanistan.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar aad u xooggan oo lagu qaaday xarun dowladeed oo kutaal bartamaha magaalada Kaabuul ee xarunta wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar aad u xooggan oo lagu qaaday xarun dowladeed oo kutaal bartamaha magaalada Kaabuul ee xarunta wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ugu yaraan 95 qof ay ku dhinteen weeraro Mataana ahaa oo lala helay halka loo yaqaan Khadka Cagaaran oo ay kuyaallaan xarumo wasaaradeed iyo dhismayaal kale oo xukuumadda dabadhilifka ah leedahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyan naftiis hure ah oo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu gudaha ugalay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan waxaana halkaas ka dhashay khasaara lixaad leh.


Xarakada Islaamiga Taliban oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka ayaa sheegtay in ay dishay Tobanaan askari "Mid kamida geesiyada katiibada Istish-haadiyiinta ayaa howlgal kafuliyay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda isagoo kaxaynayay gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarka oo heerkoodu sarreeyo waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday howlgalka 127 askari iyo saraakiil Boolis ah" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliban.

Waa Weerarkii ugu khasaara badnaa ee ka dhaca magaalada Kabul tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Hotelka Inter-continental oo lagu dilay askar iyo saraakiil katirsan dowladda Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items