5 Askari Oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay isgoyska Fagax Ee Magaalada Muqdisho.

Saturday January 27, 2018 - 14:47:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Askari Oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay isgoyska Fagax Ee Magaalada Muqdisho.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo is xigxigay oo maanta lagula eegtay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo is xigxigay oo maanta lagula eegtay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.


Qaraxyo maanta duhurkii ka dhacay isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka loo yaqaan 'Xasilinta Caasimadda'.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in 5 askari oo katirsan kuwa Xasilinta ay ku dhinteen qaraxyada halka sedax kale ay ku dhaawacmeen, goobta qaraxu ka dhacay waxaa xiray ciidamo farabadan oo melleteri iyo Boolis isugu jira.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda qaraxyada sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.


Dilalka iyo qaraxyada ayaa kusii xoogeysanaya degmooyinka Gobolka Banaadir, khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay degmada Hodon lagu dilay sarkaal melleteriga katirsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items