Ciidamada Maamulka Puntland Oo Duullaan Ku Qaaday Deegaanka Tukaraq.

Sunday January 28, 2018 - 09:58:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka Puntland Oo Duullaan Ku Qaaday Deegaanka Tukaraq.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaan katirsan gobolka Sool ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaan katirsan gobolka Sool ee dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Sool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta barqadii ka bilaawdeen deegaanka Tukaraq oo bishii lasoo dhaafay ay qabsadeen maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo farabadan oo katirsan maamulka ‘Puntland’ ay saaka duullaan kula jarmaadeen deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in ay maqlayaan jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo, C/Raxmaan Seylici oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland oo dhowaan Booqday Tukaraq ayaa sheegay in ay sii haysan doonaan deegaanka isagoo digniin udiray maamulka Fadhigiisu yahay Garoow.


Lama oga cidda ku gacayn sarrayn doonto dagaalka ka holcaya deegaanka Tukaraq waxayna dagaalladaan imaanayaan xilli magaalada Addis Ababa looga yeeray Cabdi Wali Gaas hoggaamiyaha Puntland.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed